1 min read

Ciidamada NISA oo sheegtay  dilka in ka badan 40 Al-Shabaab ah.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda ee NISA ayaa sheegtay in hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen iyaga iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay deegaanka Beerta Faay Yuusuf oo u dhow tuulada Yimbis ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen inka badan 40 ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab.

“Howlgalkan oo socday xalay ilaa maanta ayaa waxyeello culus loogu gaystay Argagixisada Al-shabaab ee ku sugnayd goobtaas, waxaana inta la hubo halkaas lagu dilay Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal tiradoodu gaarayso 45, iyada oo dhulka lala simay Teendhooyin Argagixisada hoy u ahayd, halka ilaa iyo hadda lagu raad-joogo maleeshiyaad firxad ah.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Federaalka oo soo xiganeysay NISA.

Sida lagu sheegay bayaanka dowladda, Al-shabaab ayaa ‘maleegayay weeraro ay ku qaadaan deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeelaha Hoose’ balse Sirdoonka NISA ay heleen xogta weerarkaas.

“Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabbaad ka dhigtaan, iyadoo haatanna Ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta.” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Federaalka.