1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjiraha Maraykanka ee QM maxay ka wada hadleen?.

Danjiraha Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa magaalada Washington DC, kula kulantay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Danjire Linda Thomas-Greenfield ayaa ku bogaadisay sida ay uga go’an tahay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, dib u heshiisiin qaran iyo horumarada laga sameeyey hawlgallada ka dhanka ah al-Shabaab.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Danjiraha Maraykanka, Linda Thomas-Greenfield “ayaa u caddaysay madaxweynaha, in Maraykanka ay ka go’an tahay inuu garab istaago yoolasha xilliga kala guurka amniga ee dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, marka la gaaro bisha December ee sannadka 2024”

Danjiraha ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqday sida ay uga go’an tahay Maraykanku inay wax ka qabtaan cunto yarida ka jirta Soomaaliya, iyada oo dul istaagtay ballanqaadkii Maraykanka ee gaadhayey illaa $524 milyan oo dollar oo ahaa taageero bini’aadanimo oo dheeraad ah oo ay ugu talo galeen gobolka Geeska Afrika, si wax looga qabto dhibaatooyinka abaaraha.