1 min read

Xubno ka tirsan macawisley oo dad ka afduubtay Al-Shabaab.

Qoysas loo malaynayo in ay ka tirsan yihiin kuwa Al-Shabaab ayey afduubteen qaar ka mid ah dadka deegaanka ee Macawisleyda loo yaqaan.

Talaabadan oo u eg mid aargoosi ah ayaan ka waraysannay Cabdi taakow oo ka tirsan kooxda wax qafaalatay, wuxuuna sheegay in ay yihiin dadkani “qoysaska amiirada Al-shabaab”.

Waxa uu sheegayb in ay dadkan ka kala keeneen meelo kala duwan sida Ceelbacad, Daaru-nicma iyo Caddaan-lexeey.

Wuxuu ku sheegay sababta ay dadkan u afduubteen in ay ka dambeysay ka dib markii ay Al-shabaabku iyaga ka afduubteen dad tiradooda uu ku tilmaamay 36 qof,”dadkii deegaanka oo caruur iyo dumar ayey afduubteen.. Dad tiradoodu gaareyso ilaa 36 ayey deegaanka ka afduubteen,” ayuu yiri Cabdi Taakow.

“Maadaama aysan wax xariir ah naga dhaxeynin, waxaan u samaynay xanuunka qoysaska la afduubanayo in ay dareemaan,” ayuu sii raaciyey. Wuxuuna shegay in dadka la ay Al shabaab afduubteen in ay ka dambeeyeen “amiirada Al-Shabaab ee deegaanka”.

Dumarka iyo caruurta ay Macawisley qafaalatay ayey sheegeen in ay yihiin hooyooyin iyo ilmahoodii.

Ma jiraan warar madax banana oo BBC u xaqiijin kara in ay Al-Shabaab dad ka afduubteen macawisleyda markii hore, balse warbaahinta maxalliga qaar ka mid ah ayaa sidaa sheegtay.