1 min read

Faah faahino ka soo baxaya weerarkii qaraxyada ahaa ee ka dhacay Baardheere.

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo maanta ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagusoo warramayaa in qaraxu uu dhaliyay.

Tirade dhimasha ayaa la sheegayaa in ay gaareyso illaa 8 ruux halka dhaawacana lagu sheegay 19 qof.

Dhaawacyada ayaa loola cararay isbitaaladda magaalada Baardheere.

Weerarka qaraxyada ah ayaa lagu beegsaday xerada ADC ee degmada Baardheere.

Weerarrada qaraxyada ku billowday ayaa dhacay abbaare kow iyo tobanki barqonimo.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerradaasi.