1 min read

Kenya oo war ka soo saartay dagaalka Al-Shabaab.

Dowladda Kenya, ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay soo afjarto weerarrada Al-shabaab ka gaystaan gudaha Kenya, isla markaana ay sidoo kale kula dagaallamayaan gudaha Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale oo la hadlayay bulshada ku dhaqan deegaanka Masalani oo ka tirsan ismaamulka Garissa ee gobolka Waqooyi-Bari kenya ayaa sheegay in dowladdiisu aaney aqbali doonin in ururka Shabaab uu weerarro ka gaysto gudaha kenya.

Wuxuu sheegay wasiir Ducaale in dowladdiisu aaney sidoo kale u dul qaadan doonin in Shabaab gudaha dalkiisa ay ku faafiyaan fikradaha xag-jirnimada ah, ayna weeraraan fariisamaha ciidamada Kenya.

Kenya ayaa qayb ka ah howlgalka Midowga Africa ee ATMIS ee Soomaaliya, waxaana u jeedku yahay in ay la dagaallamaan Al-shabaab, gacanna ka siiyaan dowladda federaalka xasilloonida dalka.