1 min read

Kolonyo Kenyaan ah oo Qarax lala beegsaday iyo khasaaro ka dhashay.

Qarax miino ayaa ka dhacay degaano ka tirsan Magaalada lamu ee gobolka waqooyi Bari ee dalka kenya, kaas oo lala beegsaday Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu qabsaday gaari loo yaqaano Taw, kaas oo ka yimid dhinaca degaanka Pandanguo, isla markaana kusii jeeday degaanka Witu ee Magaalada laamu.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa, hayeeshee Al-Shabaab oo sheegtay qaraxa ayaa sheegay inay kudileen 25 katirsan Ciidamada Kenya, laba Gaarina ku gubeen wallow aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashadaas.

Saraakiil katirsan booliska Kenya oo weerarka qaraxa xaqiijiya ayaa sheegay inay wadaan baaritaano, waxaana xusid mudan in maalmihii la soo dhaafay ay kordheen weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan degaannada Gobolka Waqooyi bari.