1 min read

Giriiga oo maxkamadayna rag loo haysto, markabkii ay dadka badani ku dhinteen.

ATHENS – Sagaal qof oo u dhashay dalka Masar ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla dalka Giriiga, iyada oo lagu soo oogay dacwado ku saabsan, ka ganacsiga bini’aadanka ama arrimaha la xidhiidha tahriibka.

Eedaysanayaashan ayaa loo haystaa inay ku lug lahaayeen, tahriibinta dadkii ku dhintay markabkii ku degey xeebaha Giriiga, ee ay dadka badani ku dhinteen. Markabka degey ayay ku dhinteen 79 qof oo muhaahiriin ah, halka tiro kale oo aad u badanna aan weli laga warqabin meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Dhimashada tahriibayaashan oo noqotay, tii ugu xumayd ee ka dhacda xeebaha dalka Giriiga, sannadahan u dambeeyey, ayaa dood adag ka dhex dhalisay gudaha dalkaas, iyada oo dhaleecayn xooggan loo jeediyey ciidamada ilaalada xeebaha, waxaana lagu dhaliilayaa inay jireen tallaabooyin ay qaadi kari lahaayeen, si looga baaqsado in doontaasi ay degto.

Sagaalkan nin ee u dhashay dalka Masar ayaa waajahaya dacwado isugu jira tahriibinta dadka iyo weliba dembiyo la xidhiidha dhimashada muhaajiriinta.

Raggan markii maxkamadda la horkeenay, waxaa dacwad ooguhu u qabtay garyaqaanada u doodaya inay muddo 24 saacadood ah, jawaabo kaga soo bixiyaan eedo cusub oo soo baxay.

Warbixintan waxaa qoray Anthee Carassava