1 min read

Socdaalkii dheeraa ee 17 Magaalo. Subaxaan iyo Somali Nabad ah.(FAALLO).

1. Saakay waahiirkii waxaan ka soo jarmaaday BOORAME, Banaanbaxyo is diidan ayaa ka socday.


2. HARGESO, ayaan imid Doorashaa la isku heystay.
3. LAASCAANO, ayaan imid Dagaal culus ayaa ka socday.
4. BOOSAASO, ayaan tagay Go’aankii Daacish iyo Ganacsatadaa isku qataarnaay.
5. GAROOWE, ayaan imid, Khilaaf doorasho iyo Jid xirashaa ka jirtay.
6. GAALKACYO, ayaan imid dhagahaa taagnaa maxaa soo yeeri doono.
7. CADAADO, ayaan imid Galbeedkeey iska fiirinayeen.
8. Koofurta GALGUDUUD, ayaan imid, fooddaa la isla galay.
9. HIIRAAN, ayaan ku leexday. Cirka iyo dhulkaa xiran, meel aan ka galaan waayay waana ka soo noqday. VISA-na male.
10. JOWHAR, ayaan imid Degmooyinka Gobalka kuli dhiilaa laga soo sheegayay.
11. XAMAR, ayaan imid Luuqyadaa la iska fiirinayay.
12. WANLAWEYN, ayaan tagay, Geeleey iyo Goofleey ayaa Siyaasad ku dagaalamayay.
13. BARAWE, ayaan tagay Balaayaa la saadaalinayay
14. BAYDHABO, ayaan tagay, Xuduudeedu dhufeyska maanya fuulka ma dhaafsaneyn.

15. CEEL BARDE, ayaan tagay Colaad Bilcaan ka bilaabataa leeysugu bir tumanayay.

16. GEDO, ayaan u gudbay Siyaasiyiin waaweeyn ayaa Seban ku rarnaa.
17. KISMSYO, ayaan u gudbay Difaac aan Darbi aheyn ayaa ku wareegsanaa.

Subaxaan iyo Somali heshiis ah Nabadna ah.

FG. Aan xisaabtanee, Horta yaa Dabka nala daba joogo, ma Annagaa mise waa ummadda kale? Allow Nabad Somali ka dhig. Aamiin.

Qore: Yahya Amir