1 min read

Muuse Biixi “Kooxaha huwanta ah ee Sool dagaalka ka wada waa qayb Al-Shabaab ah  iyo Puntland …”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo saaka ka hadlayay Kuliyadda Cabdillaahi Askar ee deegaanka Dararweyne ee duleedka Hargeysa, oo tababar loogu soo xirayay ciidamo ka tirsan milatariga Somaliland, ayaa mar kale ku celiyay in gobolka Sool ay ka dagaalamayaan ururka Alshabaab iyo Puntland.

Madaxweyne Biixi ayaa yiri “huwanta laguu sheegayo waa qayb Alshabaab ah, iyo Puntland oo Soomaaliya kamid ah oo cilmi cusub oo aduunka ku cusub keentay, oo leh si qabiil ah ama hayb ah ayaan u sameynaynaa dal dhexe oo Soomaaliyana ahayn, Somaliland na ahayn, ee magac hayb leh, taasi mid suurta galaysa maaha.”

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale sheegay inaanay marnaba ogolaan doonin in Alshabaab ay xeryo ka sameysato Somaliland.

“Alshabaab ma ogolin in dalkan ay ka sameyso qas, oo ka sameyso xeryo dheeraada ee waa ka daafacaynaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.