1 min read

Shir looga hadlayay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo lagu qabtay Noeway.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi oo safar shaqo kujooga Norway ayaa kaqeybgalay mid ka mid ah fadhiyada “Madasha Oslo” taas oo lagu falanqeeyey “Wejiga Soomaaliya ee dadaallada dib u xorreynta kadib”.

Wasiir Axmed Fiqi, waxaa uu ku dheeraaday dib u xorreynta dalka, howlaha xasillinta iyo mashaariicda kala duwan ee loogu talogalay deegaannada la xoreeyay iyo kuwa la xorreynayo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi ayaa ka mid ah wufuud caalami ah oo  qeyb ka ah “Madasha Norway” taasi oo tirsigeeda 20-aad xoogga lagu saarayo arrimaha xallinta khilaafaadka. nabadeynyta iyo dimoqoraadiyadeynta.