1 min read

Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Africom.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareeykanka ee (Africom) Gen.MichealĀ  Langley.

Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa ugu horeyn uga warbixiyay Taliyaha Mareykanka ee Africom guulaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Labada Taliye ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labada dhinac iyo sidii loo dardargelin lahaa howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta.