1 min read

Shirkado lagu eedeeyay inay xujeyda lacag dheeraada saarteen oo baaris ku socoto.kamid ah Shirkadaha loo xilsaaray Adeega Xajka

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay inay baaris ku hayaan qaar kamid ah Shirkadaha Diyaaradaha oo ay Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta ay siisay Arrimaha Xajka  oo lacago ka badan tii ay Wasaaraddu u jaangoysay Xajka ka qaaday muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in uu horgaynayo Maxkamad marka baaristu dhamaato.

 

“ Muwaadinka la waydiisto lacag ka badan kuwa Wasaaraddu jaangoysay haku soo wargaliyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu yiri” Qoraalka Xafiiska

Horay ayaa waxaa jirtay in musuq maasuq badan uu kajiro habka loo soo xulay Shirkadaha diyaaradaha ee sanadkan la siiyay daabulida xujeyda Soomaaliyeed ee ka baxaya dalka.