1 min read

Imtixaanka shahaadiga oo maanta ka bilabanaaya Puntland.

Copyright: Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland.

Imtixaankii shahaadiga ah ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ka bilabanaya 9 Gobol oo kamid ah Puntland.

Dhammaan Puntland waxaa saaka loo dareerayaa imtixaankii shahaadiga ee fasalka 12-aad(form four-ka) ee Dugsiga Sare iyo fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe.

Sida uu noo sheegay Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Puntland Maxamed Cali Nuur Juba, aradayda fasalka 12-aad ee imtixaanka u fariisaneyso waxay gaarayaan 7534 ”wiilshu waxay dhanyihiin Afar kun shan boqol iyo afar wiilal halka gabdhaha ay gaarayaan sedex kun iyo seddon gabdho,sidookale tirade wiilasha imitixaanka faslaka 8aad uu fareysaneyso waxay gaareysaa 8584 halka gabdhaha aya gaarayaan 6508”.