1 min read

WFP oo joojisay gargaarkii ay siin jirtay Itoobiya.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in ay hakisay qayb ka mid ah cunnada gargaarka ah ee ay siin jirtay Itoobiya, iyadoo dhinaca kalena ka hadashay welwelka laga qabo in deeqaha laga weeciyo dadka u baahan.

Hay’adda ayaa shegtay inay sii wadi doonto caawinta dadka jilicsan, sida carruurta iyo hooyooyinka , waxayna soo dhaweysay sida ay uga go’an tahay dowladda Itoobiya inay baaritaan ku sameyso arrintan.

Mareykanka – oo ah deeq bixiyaha ugu weyn ee Itoobiya – ayaa sidoo kale maalin ka hor hakiyay gargaarkii, isagoo sheegay inuu ogaaday olole lagu weecinayo gargaarka.

Ma aysan sheegin cidda ka dambeysay in gargaarka laga weeciyo dadkii loogu talagalay.