6 mins read

Warbixinta Toddobaadlaha  ah iyo waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warbixinta Toddobaadlaha  ah waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey ansixinta warbixinta dalabka Soomaaliya ay ku dooneyso ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u hambalyeeya Madaxweyna Turkiga ee dib loo doortey, kana qeybgaley caleema saarka Madaxweyne Erdogan oo ka dhacay magaalada Ankara.

3- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Muqdisho ka furay shirweyne looga doodayey xakamaynta wararka been abuurka ah iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin.

4- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku baaqay in la dardar-geliyo howlaha ku aadan la dagaalanka kooxaha khawaarijta ee weli ku sugan deegaanno kamid ah dalka.

5- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bilaabay kormeerka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda oo uu ugu kuurgelayo dardar-gelinta adeegyada loo fidinayo bulshada iyo horumarinta dalka.

6- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Golaha Wasiirrada u sheegay in xukuumadda looga fadhiyo inay door ku yeeshaan dhaqan-gelinta soo jeedintii hannaanka doorashada ee ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.

7- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Hirgelinta Hannaanka Federaalaynta Caddaaladda iyo Asluubta oo dhiirri gelinaya sarreynta sharciga iyo in shacabku ay helaan garsoor caddaalad ah, oo loo dhanyahay, laguna kalsoon yahay.

8- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha Wasiiradda ee tiirka Caddaaladda iyo Garsoor Madax-Bannaan.

9- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Muqdisho kula kulmey Wasiiru Dowlaha Horumarinta iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee dalka Jarmalka, Jochwn Flasbarth, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

10- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabey Guddiga Qabanqaabada Xuska Sannad Guurada 63aad ee xoriyadda dalka.

11- Imtixaankii heer qaran ee sugsiyada sare ee dalka oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyay, kaas oo socday intii u dhaxeysay 27ka ilaa 31-ka bisha Maajo, 2023.

12- Wakiillo ka kala socda Soomaaliya, Qatar, Imaaraat-ka Carabta, Turkiga, Britain iyo Mareykanka ayaa kulan looga hadlayo xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo bani’aadminimada ku yeeshay magaalada Dooxa.

13- Ergeyga cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa UNSOM Marwo Catriona Laing ayaa soo gaartey magaalada Muqdisho si ula wareegto xafiiska.

14- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Oslo kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norway Anniken Huitfeldt. iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal.

15- Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxda bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka ka hawlgala.

16- Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay kulan ay yeelanayaan wasaaradaha maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

17- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama iyo Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaalida Mukhtar Mohamed Ware oo ka wadahadley iskaashiga labada dal.

18- Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya oo ku wargelisay shirkadaha iyo ganacsatada shidaalka inay iska diiwaan geliyaan wasaaradda.

19- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda Mudane Isaaq Mursal oo magaalada Lusaka kaga qeybaley shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Ururka Iskaashiga Bariga iyo Afrikada Koonfureed ee COMESA.

20- Ciidamada amniga ayaa Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ku soo bandhigay 10 xubnnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.Xarigga xubnahan ayaa dhirbaaxo ku ah Khawaarijta oo qorsheynayay weeraro lagu waxyeeleeyo shacabka.

21- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 15 sanno oo xabsi ah ku xukuntey Warsame Cabdi Xasan Aadan oo ka tirsanaa argagixisada Daacish.

22- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun ku ridday 36 dembiile ajaanib ah oo lagu helay inay si sharci darro ah uga kaluumeysanayeen biyaha Soomaaliya. Dembiileyaashan u kala dhashay Iran iyo Pakistan ayaa midkiiba lagu xukumey inuu bixiyo ganaax dhan 11 kun oo dollar midkiiba.

23- Ciidanka Kumandoosta Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibadda caalamiga ah ayaa weerar ay ka fuliyeen duleedka magaalada Kismaayo waxa ay ku dileen 3 xubnood oo muhiim u ahaa Khawaarijta.

24- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare uga waramey qorshaha arrimaha dib u heshiisiinta iyo federaalka.

25- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatey Taliyaha Ciidamada Boqortooyada Sacuudi Caraabiya General Fayyad Al Ruwaili oo ay ka wadahadleen iskaashiga dhinaca la dagaalanka argagixisada.

26- Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa baadda iyo qalqal galinta ganacsatada iyo shacabka Muqdisho oo lagu magacaabi jiray Cali Raaxo.

27- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay waddo laami ah oo loogu magac-daray Allaha u naxriisto Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

28- Shirka Madasha Xiriirka Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Gargaarka ee dalka ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

29- Imtixaanaadka dugsiyada dhexe ee Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay. Waxaana sannadkan u fariistay arday tiradoodu gaareyso 31,688.

30- Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali {Abuu-Mansuur} ayaa sheegay in si rasmi ah ay bilowdeen duulimaadyada xujeyda Soomaaliyeed ku tegayaan xajka sannadkan.

31- Ciidanka Booliska Soomaaliya oo yeelanaya xarun cusub oo loogu talagaley farsamada doomaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha, kaas oo hirgelintiisa ay iska kaashadeen Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

32- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka iyo Hay’adda Gargaarka Aadmiga ee Boqor Salmaan ayaa gargaar u fidiyey qaar ka mid ah dadka ay Khawaarijta ka soo barakiciyeen degaannadooda.

33- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General General Odowaa Yusuf Raage ayaa magaalada Djibouti kaga qeybgaley sannadguuradii 46-aad ee asaaska Ciidanka Djibouti.