1 min read

5-ta Dal ee ku mideysan taageerada Soomaaliya oo bayaan soo saaray

Wakiilo ka kala socda dalalka Qatar, Soomaaliya, Turkiga, Maraykanka, Imaaraatdka iyo Ingiriiska, oo kulankoodii saddexaad uga qabsoomay magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa si wada jir ah bayaan u soo saaray.

Kulanka oo isniintii dhacay ayaa sida bayaanka ku xusan looga hadlayey xaaladaha Amniga, Siyaasadda iyo biniaadannimo ee Soomaaliya.

“Saaxiibadu waxay hoosta ka xariiqeen taageerada ay u hayaan dawladda federaalka Soomaaliya, si ay u gaadho degganaansho amni ee xaaladda hadda, in lagasii hadlo siyaabo loo dhiso kalsooni, dhismaha iyo horumarinta siyaasadeed, iyo qabanqaabada la dagaalanka aragagixisada iyo taageerada amni ee heer caalami.” ayaa lagu yiri bayaanka oo si wada jir ah ay usoo saareen wakiilada shanta dal iyo Sooomaaliya.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu muujiyey in ay kooxdu soo dhaweynayso sida ay dawladda Soomaaliya u xoojinayso waaxdeeda amniga iyo isu diyaarinta sida ay ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen masuuliyadda amniga marka ay 2014-ka ka baxaan ciidamada midowga Afrika ee hadda ku sugan gudaha Soomaaliya.

Dalalkan shanta ah ayaa si gaar ah u daneeya Soomaaliya iyaga oo qaybo kala duwan ka caawiya, sida amniga, dhaqaalaha iyo dawlad dhiska, kulankanna wuxuu noqonayaa koodii saddexaad ee ay Soomaaliya si wada jir ah uga yeeshaan.