1 min read

Taliyaha booliska gobolka Bari oo ka hadlay fal qoys lagu dhibaateeyay.

Booliska magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen shan nin oo baraha bulshada lagu baahiyay iyagoo si xun ula dhaqmaya qoys gurigooda joogay xilli habeennimo ah.

Ragga ayaa la sheegay in ay ka caradoodeen gabar qoyskaas ka tirsan oo Yurub ku nool taasoo lagu eedeeyay in ay aflagaadaysay beesha raggaas aya ka soo jeedaan.

Booliska ayaa sheegay in shantan qof ay maxkamad soo taagi doonaan.

Falka ay raggaas u geysteen qoyska ayaa waxaa ka carooday Soomaali badan aadna uga soo falceliyay arrintas.

Taliyaha booliska gobolka Bari Cabduqaadir Jaamac Dirir oo arrintan BBC-da uga waramay ayaa sheegay in arrintan ay tahay arrimo TikTok kayimid.

Taliyaha ayaa sidokale sheegay in dadka ay gacanta kuhayaan ay u shegeen in falkan ay usameyeen argoos.

Taliye Cabduqaadir ayaa ugu dambeytii sheegay in fal gaaray heerka uu hada gaarsisan yahay uu yahay kii ugu horeeyay ee ay arkaan.