1 min read

Wariye Bushaaro Baanday oo maanta mar kale loo jaray 7 maalmood oo rummaan ah

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta 7 maalmood oo rummaan ah ( xabsi ku sii hayn ) u jartay wariye Bushaaro Baanday.

Wariye Bushaaro Cali Baanday oo in muddo ah ku xidhan Hargeysa ayay marar dhawr maxkamadu u jirtay rumaan xabsi ku hayn ah, iyada dhawr jeer laga soo dayriyay xaaladeeda caafimaad islamarkaana loola cararay cisbitaalka.