1 min read

Sarkaal sare oo ka goostay ciidanka qaranka Somaliland

Waxaa magaalada Buuhoodle lagu soo dhaweeyay Abaanduulihii 2aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Guuto Saleebaan Barre Geesood, isagoo halkaasi kaga dhawaaqey in uu iska casilay xilkaasi.

Wuxuu sheegay in uu dadkiisa la fikir noqday, isla markaana wixii talo ah uu iyaga ku biirin doonno.

General Saleebaan Barre Geesood ayaa mar lagu sameeyay shaqo joojin intii uu socday dagaalka Laascaanood. Balse muu sheegin isagu sababta keentay shaqo joojintaasi.

General Geesood ayaa xilkan uu iska casilay loo magacaabey sannadkii 2016kii, isagoo hayay muddo 7 sanno ah.