1 min read

Maydadka lix ruux oo shalay ku dhintay dagaal Beeleed oo maanta Mudug lagu aasay.

Maydadka lix qof oo ku dhintay dagaal beeleed shalay ka dhacay Gobolka Mudug ayaa maanta lagu aasay deegaanno hoostaga magaalada Afbarwaaqo.

Dagaalka dadkan ay ku dhinteen oo ka dhacay miyiga tuulada Qoryo Weyn oo qiyaastii 10 km galbeed ka xigta Afbarwaaqo ayaa dhexmaray xoolo dhaqato aaggaasi ku wada nool, sida ay BBC-du u sheegeen dad goobjoog ah.

Dagaalka waxa kaloo ku dhaawacmay dad kor u dhaafaya toban qof.

Dirirta dhexmartay xoolo dhaqatada ayaa loo tiriniyaa aano hore oo dhexmartay reerraha halkaasi wada dagan oo dhawr jeer oo hore dad isaga laayay.

Ciidamada isku dhafka ah ee amniga Gaalkacyo ayaa la geeyay meelaha ay rabshaduhu ka dhaceen, waxana lagu soo waramayaa in hadda xaaladdu dagan tahay.