1 min read

Shirweynaha Xakameynta faafinta wararka been abuurka oo Muqdisho ka socda.

Shirweynaha xakameynta faafinta wararka been Abuurka iyo saameynta bulshada ay ku leeyihiin oo ayaa Muqdisho ka socda maalinkii labaad.

Shirkaan ayaa shalay waxaa daahfuray Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre,iyadoo diirada lagu saarayo sidii loo xakameyn lahaa wararka been abuurka oo sameeyn ku leh Bulshada iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Waxaa maanta lagu wadaa in shirkaa looga doodo arrimo ay kamid yihiin saamaynta wararka been abuurka ahi bulshada ku leeyihiin iyo siday khatarta ugu yihiin deganaanshiiyaha dalka Soomaaliya.

Sida warbaahinta qaranka sheegtay shirka ayaan lagu wadaa in maanta la soo gabagabeeyo,oo war murtiyeed laga soo saaro.