1 min read

Xiriirka Taliban iyo Shiinaha oo sii kordhay.

WASHINGTON— Inkasta oo aanay danjirayaal badani ku sugnayn caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, haddana danjiraha Shiinaha Wang Yu, ayaa u muuqda mid aad u mashquula.

Toddobaadkan, Wang, wuxuu la kulmay illaa saddex wasiir oo ka mida xukuumada Taliban. Wasiirada uu la kulmay waxaa ku jiray laba wasiir oo ay si gaar ah u diiddan yihiin diblomaasiyiinta reer galbeedku, sida wasiirka arrimaha gudaha Sirajuddin Haqqani oo Maraykanku madaxiisa dul dhigay $10 milyan oo dollar, iyada ooloo haysto falal argagixiso, iyo sidoo kale Nida Mohammad Nadem oo isna ah wasiirka waxbarashada sare, kaas oo loo haysto amarkii uu ku bixiyey inaanay habluhu ka qayb geli karin waxbarashada jaamacadaha.

Si taas la mida Danjiraha Taliban u fadhiya Shiinaha SAyed Muhayuddin Sadaat ayaa isna kulamo joogto ah la leh masuuliyiinta Shiinaha iyo weliba hay’adaha kale ee dalkaas ka dhisan.

Shiinaha ayaa ka mida, dalal kooban oo nooc aqoonsi diblomaasiyadeed ah u fidiyey Taliban. Shiinuhu uma aqoonsana Taliban oo keliya inay yihiin xukuumadda sharciga ah ee dalkaas ka talisa, balse wuxuu kale oo ula macaamilaa sidii saaxiib dhow oo dhinaca amniga, ganacsiga iyo maalgashiga ah.

Waxaa qoray Akmal Dawi