1 min read

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo New York kaga qeybgalaya shir muhiim ah.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah mudane  Abshir Cumar Huruuse ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu kaga qeyb galayo shir heerkiisu sarreeyo oo yabooh dhaqaale loogu sameyn doono dalalka Geeska Afrika oo Soomaaliya qeyb ka tahay.

“Waxaan saaka soo gaaray magaalada New York si aan uga qaybgalo shir heer sare ah oo yabooh dhaqaale loogu samayn doono wadamada geeska Afrika ee sanadihii la soo dhaafay ay abaaruhu saamaynta xun kaga tageen” ayuu yiri Wasiir Huruuse.

Wasiirka ayaa intaas ku daray” Waxaan shirka la wadaagi doonaa waxyaabaha qaybta ka ah abaaraha soo noq noqday iyo daadadka xilli roobaadka, oo ay ugu weyntahay saamaynta isbeddelka Cimiladu ku yeesheen Dunida”.