1 min read

Ra’iisal wasaare Xamsa: “Dhalinyaradu waa inay ka qeyb qaataan cirribtirka amni xumada”

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqangelinayo siyaasadda qaran ee dhallinyarada.

Shirkan oo ah kii 9-aad kana furmay magaalada Muqdisho ayaa soconaya muddo saddex maalin ah, waxaana ka soo qeyb galay boqollaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gudaha iyo dibedda, iyadoo lagu soo bandhigayo siyaasadda qaran ee dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay “in horumarka dalka ay hortaagan yihiin afar wax yaabood oo haddii aan wadajir looga gudbin aan la sameyn karin wax horumar ah, kuwaas oo kala amni xumo, qabyaalad, musuq-maasuq iyo maandooriye, dhallinyaradana looga baahan yahay in ay dowladda ku gacan siiyaan ciribtirkooda.”