1 min read

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

Kulanka ayaa looga hadlay tageerada ay Midowga Yurub ku bixiso dib u dhiska Dalka iyo mashariicyada kale duwan ee ay ka fuliyaan deegaannada Jubbaland, kuwaa oo ay ugu horeeyaan Arimaha ammaanka iyo horumarinta deegaanka.

Wasiirada Arimaha gudaha, Caafimaadka iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Jubaland ayaa kulanka qayb ka ahaa.