1 min read

Allaha u naxariistee Janaraal Cismaan Maxamed Jeelle oo ka mid ahaa Golihii sare ee Kacaanka oo geeriyooday.

Allaha u naxariiste Waxaa Xalay magaalada Melbourne ee dalka Australia ku geeriyooday Jenaraal Cismaan Maxamed Jeelle oo ka mid ahaa Golihii sare ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Allah u naxariiste marxuumka oo ka mid ahaa Golihii kacaaanka ayaa xilal badanoo ay ka mid ahayeen Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Duqa Muqdisho kasoo qabtay dowladdii dhexe ee dalka oo uu madaxweynaha ka ahaa Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Geerida marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, madaxweynaha oo bartiisa Facebook kusoo qoray qoraal kooban oo uu kaga tacsiyeeyay geerida marxuumka ayaa yiri

“Inna Lillaahi Wa Inna IIayhi Raajacuun, Alle ha u naxariistoCismaan Maxamed Jeelle, oo waqti badan ku soo bixiyey u adeegidda dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxaana tacsi u dirayaa qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Korneel Cismaan Maxamed Jeelle waxa uu muddo dheer ugu soo adeegayey qaranka Soomaaliyeed heerar kala duwan.

Waxaan Alle uga baryayaa Korneel Cismaan Maxamed Jeelle in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.”

Burburkii dowladdii dhexe kaddib marxumka waxa uu ku noolaa waqtigiisa ugu badan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo sanadahii dambe uu u guuray dalka Australia oo uu Xalay ku geeriyooday.