Sirdoonka Soomaaliya oo gacanta ku dhigtay saanad ciidan oo ay sheegtay in loo waday Al-Shabaab.
Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay agab iyo saanad milatari oo kooxda Al-Shabaab uga soo dagtay dekadda iyo garoonka Muqdisho kuwaas oo lagu soo dhex qariyay badeecad ganacsi.
Wasiiru Dawlaha Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa oo weriyayaasha kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in in ka badn toban qof oo arintan ku lug lahaa gacanta lagu dhigay kuwaas oo ay ku jiraan rag ganacsato ah.
Dhanka kale war qoraal ah oo lagusoo daabacay wakaaladda wararka ee Sonna ayaa u qornaa sidatan “Baaritaanka oo ahaa mid aad u wanagsan ayaa horseeday in la soo xiro 10 qof oo lala xiriirinayo isku-xirka safrinta agabkan, taasoo dhabar-jab weyn ku ah nidaamka taakuleynta saadka ee Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa gacanta lagu dhigay afar gaari oo la doonayay in lagu daabulo hubka koontarabaanka ah, taasoo keentay in la carqaladeeyo silsiladda saadka sharci darrada ah.”
“Sidoo kale, waxaa garoonka diyaaradaha NISA ku qabtay shixnad kale oo sharci darro ah oo loo waday kooxda argagixisada ah. Hawlgalkan ayaa banaanka soo dhigay ku lug lahaanshaha ganacsato shati haysta oo loo idmaday inay wax soo dejiyaan balse ku takri falay xuquuqdooda si ay u fududeeyaan ganacsiga sharci darrada ah. Shaqsiyaadka mas’uulka ka ahaa shixnaddan ayaa isla markiiba xabsiga loo taxaabay, iyadoo laga hortagayo in la taageero Al-Shabaab.”
