1 min read

Wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Kenya oo kulmay.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo dhigiisa dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa maanta ka wadahadlay iskaashiga dagaalka ka dhanka Al-shabaab kadib kulan ay ku yeesheen Kenya.

“Waxaan ka wada hadalnay doorka hogaamineed ee ciidamada Soomaaliya ee Howlgaladda socda iyo in ay naga caawin doonaan tababarrada heerka sare ee ciidaanka xoogga dalka” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale dhiggiisa Kenya uga mahad celiyay kaalinta Kenya ku leedahay la-dagaalanka Al-shabaab maadama ay kamid yihiin howlgalka Midowga Afrika iyo dalalka safka hore.