1 min read

Dowladda Soomaaliya oo dalka ka ceyrisay Ajaanib u kala dhalatay dalalka Poland iyo Jarmalka.

Warbaahinta rasmiga ah ee dawladda ayaa sheegtay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ay dalka ka cayrisay labada qof oo u kala dhashay Poland iyo Jarmalka.

Warbaahinta dawladda ayaa sheegtay in tallaabadan la qaaday kadib markii wasaaradda codsi uga yimid xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo labadaas ruux ku eedeeyay inay ku xad gudbeen sharuucda iyo Xeerarka dalka.

Safaaradaha Jarmalka iyo Poland ayaan markiiba ka jawaabin tallaabada ay qaadday dawladda Soomaaliya.