2 mins read

Ciyaartooyda aan weligood loo taagin kaarka casaanka ah?.

Waxaan qormadan ku eegeynaa qaar ka mid ah ciyaartooyda kubadda cagta ee aan weligood qaadan kaarka casaanka ah ee la siiyo marka uu ciyaaryahanka khalad galo.

Waxaan ku bilaabeynaa Gary Lineker oo isaga ciyaartooyda kale kaga duwan in uusan weligii qaadan kaarka jaallaha iyo kan casaanka ahba.

Arrinta Gary waa mid ka mid ah taariikha kubadda cagta ay adag tahay in la aamino laakiin ciyaaryahankan Engaland uga dheeli jiray afka hore ayay u suurogashay inuu badbaado kaarka uu ciyaartooyda u taago marka ay khalad galaan.

Marka laga soo tago Lineker waxaa jirta ciyaartooy kale oo caan ah oo intii ay kubadda cagta ciyaarayeen aanan qaadan kaarka casaanka ah. Waxaan eegeynaa 10 ciyaaryahan oo laga yaabo dad badan inay yaqaanaan.

1: Philipp Lahm

Lahm oo uu dhashay dalka Jarmalka, kana dheela daafaca ama xitaa Khadka dhexe ayaanan weligii qaadan kaarka casaanka ah. Waxa uu Jarmlaka kula guuleystay Koobkii Adduunka ee sannadkii 2014-kii lagu qabtay dalka Brazil.

2. Karim Benzema

Karim Benzema oo ah laacib afka hore uga dheela kooxda Real Madrid, qarankana u safta Faransiiska ayaanan weligii qaadan kaarka casaanka ah. Waxa uu dheelay 18 xilli ciyaareed, waxa uuna sannadkii tagay ku guuleystay billadda Balloon D’or oo la siiyo ciyaaryanaka ugu wanaagsan.

3. Andres Iniesta

Andres Iniesta waa lacab inta badan dadka kubadda cagta teegeera ay yaqaanaan. Waxa Khadka dhexe uga ciyaari jiray kooxda Barcelona iyo dalka Spain.

Waa ciyaarhan akhlaaq wanaagsan oo aan kibir badnayn. Weligiis kaarka casaanka ma uusan qaadan. Spain ayuu koobkii Adduunka ee 2010-kii lagu qabtay Koonfur Afrika kula guuleystay.

4. Damien Duff

Damien Duff oo horay ugu soo ciyaaray kooxda Chelsea iyo qaranka Ireland ayaanan intii uu kubadda cagta ciyaarayay loo taagin kaarka casaanka. Waxaa lagu yaqaanay inta uu garoonka ku jira inuu yahay nin deggan.

5: Michel Platini

Platini oo 3 goor ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ayaa iska ilaaliyay inuu galo liiska kaararka casaanka ah ee garsooraha. Waxa uu ciyaaray 655 kulan.

6. Raul

Raul waxa uu dhaliyay 432 gool waxa uuna ciyaaray 1,044 kulan. Sidoo kale waxa uu ku Real Madrid kula guuleystay 3 koob oo Champions League ah iyo lix horaalka Spain ee Laliga balse weligii kaarka casaanka ah looma taagin.

7. Gaetano Scirea

Gaetano Scirea waxa uu Koobka Adduunka ku guuleystay 1982, sidoo kale Juventus ayuu u soo ciyaaray waxaana inta garoonka lagu jiro u muujiyay daacadnimo taas oo sababtay inuu ka badbaado kaarka casaanka ah.

8. Dominique Rocheteau

Sannadkii 1984 ayuu Faransiiska kula guuleystay tartanka qaaradda Europe ee Euro sidoo kalana waxa uu soo ciyaaray kooxda Paris Saint-Germain. 571 kulan oo uu ciyaaray ayuusan qaadan kaarka casaanka.

9. Marco Bode

Marco Bode waxa uu soo ciyaaray kooxda Werder Bremen ayaanan qaadan kaarka casaanka 500 oo kulan.

Xigasho: BBC