1 min read

Erdogan oo la sheegay in uu fure u yahay xiriirka Afrika iyo Turkiga.

Iyadoo lagu wado in dalka Turkiga uu aado doorasho wareeg labaad oo codbixin ah oo u dhaxeeya madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo musharaxa mucaaradka Kemal Kilicdaroglu – maxay natiijada ka soo baxdaa Afrika uga dhigan tahay?.

Sami Hamdi, oo ah falanqeeye isla markaana tafatire ka ah Jaraaidka The International Interest current affairs, ayaa u sheegay barnaamijka BBC’s Focus on Africa in Afrika ay hoos uga dhici karto liiska mudnaanta leh ee Turkiga, haddii Mr Erdogan uu ku guuleysan waayo.