1 min read

Haleey Fahamsiiyo Federaalkaan Feeraha laga rarayo (Bayaan ka soo baxay Dowladda Warshiikh.)

Federaalka ha leey fahamsiiyo

*********

War saxaafadeed……… Warsh. 8/5/2023

Ujeedo:Bayaan ka soo baxay Dowladda Warshiikh.

Khilaaf Xoogan ayaa soo kala dhax galay Xiriirkii u dhexeeyay Madaxda Dowlad Degmadeedka Warshiikh iyo Dowladda dhexe.
Madaxweynaha Dowladda Warshiikh ayaa Dhigiisa Madaxweynaha JFS ku eedeeyay in uu qaaday Talaabooyin ka hor imaanayo Dastuurka Deg. Warshiikh.

Madaxweynaha Dowlad Degmadeedka Warshiikh ayaa ku baaqay in ay ku soconayaan loona hogaansamo waxa uu qorayo Destuurka Dowladda Degmadeedka warshiikh, Bacdamaa wadanku uu yahay Federaal, mana ogolaaneeyno Heshiisyada ay ansixiyeen Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee DFS illaa laga tala weeydiiyo Golaha Warshiikh.

Waxa in ogolaasho nalooga helaa Saami qeybsiga khayraadka Dalka, Deeqaha Caalamiga ah, magacaabidda Xilalka sare iyo Danjirayaasha, Awood qeybisiga guud iyo Dalacsiinta Saraakiisha Ciidamada.
Waxaan uga digeeynaa DFS in ay ka hortimaad Heshiiskii dhawaan Wasiirka arimaha Dibadda ee Dowladda Warshiikh uu la soo saxiixday Midawga yurub iyo Kuwii uu la saxiixday Dhigiisa Dowladaha Shiinaha, UAE iyo Dalka Ethiopian.

Ugu dambeeyn, waxaan ka digeeynaa in aan Dalka kala go’ loo horseedin, lana ilaaliyo Nidaamka federaalka, wixii ka hor imaanayo Dastuurka Dowladda Warshiikhna Sharci ma ahan.

Wa bilaahi Toowfiiq

????????!!!!!!!!??????!!!!!?????!!!!!?????!!!!??

((( Haleey Fahamsiiyo Federaalkaan Feeraha laga rarayo)))

Qore:Yahya Amir