2 mins read

Lionel Messi oo mar kale soo rogaal-celiyay

Lionel Messi ayaa ku soo laaban doona safka hore ee kooxda PSG sabtida markii ugu horaysay tan iyo markii uu safar uusan ogolaanshiyo u haysan uu ku tagay dalka sacuudiga.

Kabtanka Argentina ayaa markii hore kooxda ku ridday ganaaxay labo usbuuc ah, taasoo daba socotay guuldaradii PSG ee gurigeeda kasoo gaartay 30kii April.

Kooxdan ayaa waxaa soo gaaray seddex guuldarro afartii kulan ee ugu dambeysay , waxayna maanta wajahayaan kooxda AC Ajaccio.

Messi waxa uu dib u bilaabi doonaa berri,” waxa sidasi yiri maamulaha kooxda PSG Christophe Galtier.

“Waxaan la hadlay Talaadadii si aan u eego in uu maskixiyan diyaar yahay, waxaanan ogaaday inuu go’aansaday inuu ciyaaro.”

Messi, oo Sacuudiga kala shaqeeya arrimaha hormarinta dalxiiska , ayaa ka raali galiyay saaxiibadiis Jimcihii la soo dhaafay safarka aan la fasaxin oo uu ku tagay dalkaasi Sacuudiga.

35-sano jirkaan ayaa ku soo laabtay tababarka isniintii isalamarkana kooxdiisa maanta oo sabti ah u safan doona.

“Aad ayuu u xiiseeynayaa inuu ku guuleysto horyaalkaas,” ayuu yiri Galtier .

Maamulaha kooxda PSG ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in Messi marka uu soo laabto uu wax badan ka badali doono ciyaarta oo ay isu dheelitirmi doonto ciyaarta .

Messi ayaa lagu wadaa inuu ka tago kooxda PSG marka uu qandaraaskiisu dhamaado xagaaga soo socda .

Xiddiga u dhashay dalka Argentina Lionel Messi ayaa dhowr jeer oo isku xigta ku guulaystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan kubadda cagta adduunka.

Messi ayaa mucjiso ku ah dhalinta goolasha oo si aan kala go’ lahayn uu shabaqa ugu hubsado, weliba waxa uu dhaliyaa isga oo dhoolla caddeynaya oo ay kalsooni ku jirto, taasi oo ay jeclaysteen taageerayaashiisa dunida, waxa uuna si weyn uga duwan yahay ninka ay ku tartamaan billadaha uu ku guulaystay ee Cristiano Ronaldo.

Waxyaabaha muddooyiinkii ugu dambeeyay lagu xasuusto ayaa waxaa ka mid ah koobkii aduunka ee uu u soo qaaday dalkiisa Argentina.

Lionel Messi ayaa waxaa bisha soo socta da’diisa ay noqon doontaa 36 jir isaga oo ka mid ah ciyaaryahanada loogu jecelyahay caalamka.

Taageerayaashiisa ayaa maanta si wayn isha ugu haya waxa uu ka badali doono kooxda PSG oo guuldarooyiin is dabajoog ah la kulmaysay muddooyiinkii u dambeeyay.