1 min read

Erling Haaland iyo Sam Kerr oo ku kala guuleystay abaal marinta gool dhalinta horyaalka Ingiriiska.

Weeraryahanka kooxda Manchester City Erling Haaland iyo xiddigta Chelsea Sam Kerr ayaa ku guuleystay abaal marinta xiddigaha sanadka ee ragga iyo dumarka ee xiriirka FWA.

Xiddiga Norway iyo kooxda Manchester City Haaland ayaa dhaliyay 51 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee City.

35 ka mid ah waxa ay ahaayeen Premier League, iyaga oo jabiyay rikoorka gooldhalinta horyaalka ee hal xilli ciyaareed.

Weerar yahanadda reer Australia Kerr ayaa ah ciyaaryahanaddii ugu horreysay ee ku guulaysta abaalmarinta xiddiga sanadka ee haweenka sanado xiriir ah.

Waxa ay dhalisay 26 gool 34 kulan oo ay ciyaartay xilli ciyaareedkan, oo ay ku jiraan 10 gool oo ay ka dhalisay Horyaalka Haweenka.

Kerr saaxiibteed ay isku kooxda yihiin ee Lauren James ayaa kaalinta seddexaad gashay.

Abaalmarinta ragga, 22-jirkan Haaland ayaa helay 82% codadkii la dhiibtay iyadoo Bukayo Saka oo Arsenal ka tirsan iyo Martin Odegaard ay soo galeen saddexda sare.