1 min read

Madawyne Xasan Sheekh oo ka digay in la qaraabeysto ama laga soo daba ordo qof cunay hanti Qaran ama lagu tuhmayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadii Jimcaha maanta kaga hadlay Qaraar kii Xukuumadda ee la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida dadweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay toos Warbaahinta ugala socon doonaan dacwadaha dadka lagu eedeeyo xatooyada xoolaha Qaranka.

“Qaraarkii shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada waa mid ka turjumaya in lacagaha shancuurta ah ee laga qaado dadka aysan ku dhicin gacan qaldan ama loo adeegsado dano gaar ah, isla markaana ujeedkii loo qaaday oo ahayd in bulshada loogu adeegayo lagu qabto, waana waxa aan raabno inaan ku taageerno Xukuumadda”.ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynuhu waxa uu ka digay in la qaraabeysto ama laga soo dabo ordo qof cunay hanti Qaran ama lagu tuhmayo, waxaana uuna intaa ku daray in shaqsigaas la marsiin doono sharciyada dalka u degsan haddii wax lagu helo ama lagu waayo.

Madaxweynaha ayaa madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed u sheegay inay Xukuumadda ku taageeraan qaraarkii ay shalay meelmarisay, si loo dhaqangeliyo, maadaama Xukuumaddu ay ka go’antahay fulinta qaraarka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “Maxkamadaha iyo saxaafadda waxaan ku dhiirigelinayaa in marka la qaadayo kiisaska la xiriira musuqmaasuqa in bulshada si toos ah loogu baahiyo, si shacabku ay ula socdaan”.