1 min read

Musharax ka tirsan mucaaradka Turkiga oo ka hadhay tartanka doorashada.

Mid ka mida musharaxiinta madaxtinimada Turkiga ayaa Khamiistii ku dhawaaqay inuu ka hadhay tartanka doorashada, iyada oo loo badinayo in tallaabadani ay si weyn u xoojiyo musharaxa mucaaradka ee la tartamaya madaxweyne Erdogan.

Muharrem Ince, oo ah hoggaamiyaha xisbiga bidix-dhexe ee loo yaqaano Homeland Party, ayaa ka mid ah, afar musharax oo u tartamayey doorashada madaxtinimada ee dhacaysa bishan May 14-keeda. Turkiga ayaa sidoo kale qabanaya doorashada golaha baarlamaanka.

Muharrem Ince ayaa la kulmay dhaleecayn xooggan oo ku aaddan inuu kala jebiyey codadka isbahaysiga qaranka ee lixda xisbi, kuwaas oo si midaysan ugu daba faylay musharaxa mucaaradka ugu weyn ee Kemal Kilicdaroglu, kuwaas oo doonaya inay tartanka madaxtinimada gaadhsiiyaan illaa wareeg labaad.

Musharaxa tartanka ka hadhay ayaa u sheegay warbaahinta, isaga oo ku sugan afaafka hore ee xarunta xisbigiisa, inuu tartanka uga hadhay, dalkiisa awgii.

Erdogan oo dalka Turkiga soo hoggaaminayey tan iyo sannadkii 2003 ayaa la kulmaya tartan xooggan oo uga imanaya hoggaanka mucaaradka, waana tartankii ugu adkaa ee uu galo muddo labaatan sano ah.

Codbixinta qaarkeed ayaa saadaalisay in hoggaamiyaha mucaaradku uu mararka qaarkood waxyar ka sare maray Erdogan, inkasta oo aan la saadaalin karin musharaxa heli kara 50% codadka la dhiibto oo ah tirada lagu kala baxayo wareega koowaad.

AP