1 min read

Pakistan: Maxkamad xukuntay in ra’iisal wasaarihii hore xabsiga lagu hayo 8 maalmood.

ISLAMABAD – Maxkamad gaar ah oo ku taalla dalka Pakistan ayaa Arbacadii waxay xukun ku ridday ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan, iyada oo amartay in xabsiga lagu sii hayo muddo 8 maalmood ah, halka lagu soo oogay dacwado la xidhiidha musuqmaasuq kala duwan, xilli ay dalkaas ka socdaan mudaharaado xoogan, iyo iska hor imaadyo sababay dhimasho iyo dhaawac, oo dhex maraya ciidamada booliska iyo taageerayaashiisa.

Imran Khan ayaa ka soo hor muuqday laba maxkamadood oo habeen hore laga dhex yagleelay goobta sida weyn loo ilaaliyo ee xarunta u ah booliska dalkaas.

Hoggaamiyaha mucaaradka Pakistan oo 70 jir ah ayaa la xidhay maalinimadii Salaasada, isaga oo isu diyaarinayey inuu ka qaybgalo dhegeysiga dacwadaha loo haysto, kuwaas oo isugu jiray kuwo lagu eedeeyey falal argagixisanimo iyo musuqmaasuq, khiyaano qaran iyo dembiyo kale.

Imran Khan ayaa u sheegay garsoorayaasha Arbacadii, in ciidamada ammaanku inay jidh-dil u geysteen, ka hor intii aanay xabsiga geynin, iyaga oo si khasab ah uga soo saaray xarunta maxkamada, sida ay sheegeen qareenada difaacayaa.