3 mins read

Ruushka oo Maraykanka ku eedeeyey weerarkii Kremlin-ka.

Ruushka ayaa Khamiistii ku eedeeyey Maraykanka inuu ka dambeeyey weerarkii loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday aqalka madaxtooyada Ruushka ee loo yaqaan Kremlin.

Moscow ayaa sheegtay in ujeedada weerarkaas looga dan lahaa ay ahayd in lagu dilo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Hase ahaatee Washington iyo Kyiv ayaa labaduba beeniyey inay wax lug ah ku lahaayeen weerarkaas.

Wakaaladda wararka ee TASS ayaa sheegtay in madaxweyne Putin uu ka qaybgeli doono shirka golaha amniga ee qorshaysan Jimcaha isla markaana uu qodobkani ka mid yahay, arrimaha miiska saaran.

Sidee u dhacay weerarku?

Muuqaallo aan la xaqiijin oo la wareejinayo baraha bulshada ayaa muujiey qarax ka dhacay dusha sare ee Aqalka Kremlin-ka, oo ah hoyga madaxweynaha Ruushka.

Moscow ayaa hore ugu eedeysay Kyiv inay isku dayday inay Putin ku khaarajiso “ficil argagixiso oo la qorsheeyey iyo isku day lagu qaadi lahaa nolosha Madaxweynaha Federaalka Ruushka.”

Hase yeeshee madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa hore u beeniyey in dalkiisu uu mas’uul ka ahaa isaga oo yiri “waxaan u dagaalameynaa dhulkeena, waxaan difaaceynaa xaafadaheena iyo magaalooyinkeena.”

Afhayeenka madaxweynaha Ukraine Mikhaylo Podolyak ayaa soo jeediyey in Moscow ay mas’uul ka tahay.

“Warbixinadan ay abaabuleen Ruushka waa in loo tixgeliyaa isku day lagu diyaarinayo weerar argagixiso oo lagu qaado Ukraine,” ayuu yiri Podolyak.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sidoo kale shaki geliyey sax ahaanshaha sheegashada Ruushka, isaga oo yiri “Waxa kasta oo ka yimaada Kremlin-ka waxaan ka qaadan lahaa shaki badan.”

Khabiir ku takhasusay Yurubta Bari, Sergej Sumlenny ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Ruushka uu ka dambeeyey weerarka.

Waxa uu sabab uga dhigay arrimo ay ka mid yihiin Kremlin-ka oo xaqiijin deg deg ah ka bixiyey dhacdada, iyo muuqaallada oo ay duubeen kaamirooyinka dowladda.

Inkasta oo aysan caddeyn cidda ka dambeysay weerarka, Ukraine waa ay leedahay xeelad ay weerar gantaallo uga fuliso Ruushka, sidaasna horey waa ay u sameysay.

“Waxaa macquul ah in lagu fuliyey diyaaradda Drone-ka Ukraine ee UJ-22, ama tan Shiinaha uu sameeyey ee Mugin-5, oo horey ay u adeegsatay Ukraine, ama PD-1,” waxaa sidaas yiri Samuel Bendett oo ah cilmi-baare khabiir ku ah qalabka milatari, kana tirsan Barnaamijka Daraasaadka Ruushka ee CNA.

UJ-22 waxay awood ahaan gaari kartaa Moscow, hase yeeshee ma cadda halka diyaaradda drone-ka ah iminka laga soo diray, ayuu sheegay Bendett.

Weerarka ma gaysan khasaare badan, hase yeeshee Bendett wuxuu sheegay in weerar uu cadow la beegsado xuddunta dowladda Ruushka uu yeelanayo “waxyeello maskax oo xooggan.”

Waxa uu sidoo kale dhallinayaan su’aalo ku saabsan tayada difaaca hawada Ruushka.

Ruushka oo duqeeyey caasimadda Ukraine

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ayaa weerar ku qaaday caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv habeenimadii Khamiista, waxaana badhtamaha magaaladaas laga maqlay rasaas iyo weliba qaraxyo kala duwan. Masuuliyiinta Ukraine ayaa sheegay inay soo rideen mid ka mida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Masuuliyiinta magaalada ayaa digniin u jeediyey shacabka ku nool Kyiv iyo agagaarkeeda. Dadka ku hoos dhuuntay meelaha ammaanka ah, ayaa sheegay in weerarada ay qaadayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayni, inay haatan hawlgalladooda u fulinayaan, si ka dhakhso badan sidii hore.

AFP iyo Reuters