1 min read

Kooxda Napoli oo ku guuleysatay horyaalka Talyaaniga.

Kooxda Napoli ayaa markii ugu horreysay muddo 33 sannadood ah ku guuleysatay horyaalka Talyaaniga ee Seria A, kadib markii ay Khamiistii barbardhaca 1-1 ah la galeen Udinese, waana markii saddexaad oo ay ku guuleysato horyaalka dalkaas.

Guushii Napoli ayaa soo afjartay sugitaankii dheeraa ee ay magaaladu sugeysay koobka Scudetto tan iyo markii uu laacibkii Diego Maradona uu ku hogaamiyay kooxdan laba horyaal sannadihii 1986-87 iyo 1989-90.

Qeybtii labaad gool uu dhaliyay Victor Osimhen ayaa Napoli u xaqiijisay hanashada horyaalka iyadoo shan kulan ay ka harsan tahay xilli ciyaareedkan.

Waqti xaadirkan aad ayaan u faraxsanahay, waxaan dareemayaa wax aad u wanaagsan,” ayuu Osimhen u sheegay DAZN. “Waxaan sugeynay xilligan sanado badan, iyo inaan awoodno inaan Scudetto aanu geynno Napoli waa mid aanan waligeen iloobi doonin.” ayuu raaciyay.

Napoli waxa ay leedahay 80 dhibcood si ay u xaqiijiso booskeeda hoggaanka kala horeynta.

Lazio oo kaalinta labaad ku jirta, oo sidoo kale shan kulan u harsan tahay, ayaa 16 dhibcood ka hoosaysa Napoli.

Reuters.