1 min read

Booliiska Puntland oo qabtay Haweeney  Carruur ay dhashay dishay.

Ciidamada Booliska Degmada Qardho ee Maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay Ubax Cabdi Cismaan oo dishay laba Carruur ah oo ay dhashay.

Majiid Maxamed Cabdi oo jira 1sano iyo 8 bilood iyo Maysoon Maxmed Cabdi oo jirtay. Hal bil iyo 5 cisho ayay dishay Hooyadood

Ciidanka Booliska Gobolka karkaar oo uu hormuud u yahay Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Qardho Carab Aadan Hayaan ayaa Gacanta ku soo Dhigay Hooyada eedaysanaha ah, waxaana ay sheegeen in cadaaladda la marsiin doono.

Dhacdooyinka la xiriira dilka ay Carruurtooda u geystaan Waalidiinta ayaa kusoo batay dalka, waxaana dhawaan ay aheyd markii Aabe uu degmada Hiliwaa ku dilay Cunug uu dhalay, wallow Ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen.