2 mins read

Arsenal oo Chelsea ka adkaatay, lana Wareegtay Hoggaanka Horyaalka Premier League.

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa dib ula wareegtay hoggaanka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii ay 3-1 ku garaaceen Chelsea oo ay si xun ugu ceebeeyeen Emirates Stadium.

 

Gunners ayaa qaybtii horeba xaqiijisatay guusheeda ciyaarta, iyadoo Chelsea ay ahayd naadi murugaysan oo uu tababare Frank Lampard garan waayey si uu u maamulo oo uu guulo u gadhsiiyo.

Laba gool oo uu Martin Odegaard dhaliyey iyo mid uu ku daray Gabriel Jesus ayaa Arsenal siiyey guul ay aad ugu dabbaal-dageen maadaama afartii ciyaarood ee hore aanay wax guul ah arag oo ay saddex barbarreeyeen , midna laga badiyey.

Daqiiqaddii 18aad ayuu Martin Odegaard darbad xooggan ku qabtay kubbad uu dhinaca midig kasoo Granit Xhaka, taas oo shabaqa haleeshay iyadoo ku socotay cawaare 82km/h ah.

Chelsea ayaa u dhowaatay inay barbarrayso, waxaana kubad awood badan oo uu Chlwell ku toogtay badbaadiyey Aaron Ramsdale, halka Bukayo Saka uu khatarta kasii saaray.

Daqiiqaddii 31aad ayaa gool ay isku nooc ahaayeen midkii hore oo kale, waxa hoggaanka Arsenal ugu sii dheereeyey kabtankooda Martin Odegaard oo caawin ka helay laacibkii ay hore isku kaashadeen ee Granit Xhaka.

Kubddan ayaa waxay rsenal kasoo xoogtay Raheem Sterling oo si habacsanaan ah u maulay, balse laga boobay, waxaana uu Odegaard isku tuuray jilbahaha oo uu ku dabbaal-degay.

Saddex daqiiqadood oo kaliya kaddib ayay Arsenal heshay goolka saddexaad oo uu u dhaliyey Gabriel Jesus oo kubbad ay difaaca Blues isku dhax daateen oo ay iska saari kari waayeen shabaqa ku hubsaday.

Thiago Silva ayaa la baxdaday Chelsea oo ceeb ka badbaadiyey markii lagu soo noqday qaybta labaad, waxana kubbad uu Gabriel ku qabtay uu kasoo celiyey iyadoo laynka kasii gudbaysa, taas oo uu waliba u dhigay jilibkiisa. Waxay ahayd badbaadadii ugu fiicnayd ee ciyaarta.

Madueke ayaa Chelsea siiyey gool samirsiis ah, iyadoo kubbad uu meel fog kasoo tuuray Mateo Kovacic uu ka daba baxay difaaca oo uu ula tegay goolhaye Ramsdale oo uu dhinac kasii dhigay.