1 min read

Wasiir ugandes ah oo Toogaxho kala kulmay mid ka mid ah ilaaladiisa.

Askari ka tirsan ciidamada qaranka Uganda ayaa toogasho ku dilay wasiir uu ilaalo u ahaa.

Gaashaanle sare Charles Okello Engola oo shaqada ka fadhiistay, oo ahaa wasiir ku xigeenka jinsiga iyo shaqada ayaa lagu toogtay gurigiisa subaxnimadii saaka.

Ilaa hadda ma cadda in uu muran dhex maray iyo in kale askariga iyo wasiirka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in daqiiqado ka dib markii uu toogtay uu askarigu ku wareegay xaafadda isaga oo rasaas hawada u ridayay, waxaana uu ku qeylinayay in aan la siinin mushaaraadkiisa, Kadibna uu is toogtay laftgiisa

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in tiro dad ah ay ku dhaawacmeen weerarka.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dadka deegaanka oo goobta isugu yimid iyagoo argagaxsan.

Colonel Engola ayaa horay u soo noqday wasiir ku xigeenka wasarradda gaashaandhigga.