1 min read

Shiribkii Murti koob iyo 5ta khabiir (Qaran shirkaa qeybtaad leheyd, Qof kale soow u qaadahaa).

Shan Nin oo Dowladu u magacaawday Gudiga baarayo Dhibaatada Somalidu halka ay salka ku heeyso, si xal looga gaaro arintaa, ayaa Waxa ay fadhiisteen Baar ku yaal Xeeba Liido. Waxa ay ka hadlayeen arinta loo magacaabay.

A. Kii 1aad ayaa yiri: dhibaatadu waa Dalka oo fakhri ah iyo Ummadda oo jaahiliin ah.

B. Kii 2aad ayaa yiri: waa Nidaamka oo aan aheyn Transparent iyo Corruption-ka jiro.

C. Kii 3aad ayaa yiri: waa Qabyaaladda iyo Nin jecleysiga.

D. Kii 4aad ayaa yiri: faragalin shisheeye ayaa jirto.

E. Kii 5aad ayaa yiri: Sistamka Reer Galbeedka ee aan ka nimid iyo Demoqaraadiyada ilaa laga hirgaliyo wax hagaagayo male.

Oday Reer Tuulada ahaa oo agtooda Shaaha ku cabayay ayaa yiri: igaarteeydiyeey anna aan mid idinku darsado, Diinta oo lagu dhaqmo iyo Cadaaladda inteed uga tagteen.

Mid ka mid ah 5tii khabiir ayaa yiri: Adeer Annaga oo ah Rag lagu soo xulay khibaradooda oo heysano PhD, miyaad rabtaa in ideology from local poor man aan kaa qaadano.

Odaygii ayaa yiri: Warkiinaba ma kasin ee Somali ma tihiin. Waan idinka aamusay hadaan Shacabka la dhageysaneyn, Laakin aan Hal shirib idiin kugu soo koobo Waxa salka u ah dhibaatada Somaliya ka jirto, waxa dhan oo la isku heeysto waa:

Fii, fii’e (( Qaran shirkaa qeybtaad leheyd, Qof kale soow u qaadahaa)) .

Gudiga khubarada iyo odayga yaa gar leh?

Qore: Yahya Amir