1 min read

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo xalay dilay dagaal yahano katirsan Al-Shabaab.

Miltariga Soomaaliya, ayaa sheegay in 67 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerar xalay saqdii dhexe ka dhacay, deegaanka Ceel Qoox oo Koonfur kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Taliyaha ciidamada dhulka ee milatariga Soomaaliya, Janaraal Maxamed Tahliil Biixi, ayaa BBC-da u sheegay inay hayeen xogta rag ka tirsan Al-Shabaab, oo hub iyo qaraxyo kala dagayay doon taagnayd xeebta, sidaasna ay ku fuliyeen weerarka.

Taliye Biixi waxa kale oo uu sheegay in markii rarka la saaray gaari wayn, isla markaana ay koloyeysteen gaadiidka Al-Shabaab la weerrarray, dhimashada ugu badanna ay ka dhalatay gaariga ay saarnaayeen walxaha qarxa oo lagu dhuftay gantaallada laga tuuro garbaha.

Dadka ku sugan degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer, ayaa sheegay inay xalay maqleen rasaas fara badan, iyo qaraxyo ka dhacaya aagga uu dagaalku ka dhacay.

Illaa iyo hadda Al-Shabaab kama hadlin weerarka ka dhacay xalay saqdii dhexe gobolka Mudug, mana jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegada milatariga Soomaaliya.