April 2023
Mid ka mid ah ciyaartooyda ugu firfircoon xulka qaranka Soomaaliya oo laga reebay tartanka Afrika.
Mi ka mid ah ciyaartooyda ugu firfircoon xulka qaranka ee 17 jirada Soomaaliya ayaa la sheegay in tartanka Qaramada Qaaradda Afrika (U17) laga reebay. Cabdi Xaafid oo ka mid ahaa xulka qaranka ayaa ka dib markii la marsiiyay baaritaano lagu ogaanayo da’da waxaa la shaaciyay inuu ka wayn yahay da’da 17 sano. Qoraal la soo […]
Nasashada Jimcaha Q- 354=Qurba joogeey, yaan Dameerku idinka roonaan ee waalidka ka war haaya=
Araar Haddii Tusaalaha iyo Maahmaahdu meelaha qaar ay kula galaan, dhaqan ahaan Somalidu waxa ay ka hor marisaa ” wax Akhyaar loogu Maahmaahana malehe” 1. Tuug ayaa Cid Dameer ka xaday, waxa uu bilaabay in uu Beeraha Khudaar uga soo qaado oo uu Suuqa keeno. Maalintii saddaxaad ayuu Suuqa keenay Dameerkii oo khudaari ku raran […]
Heshiiskii xabbad-joojinta Sudan oo lagu daray 72 saacaadood oo kale.
Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa Khamiistii isku afgartay inay kordhiyaan heshiiskii hore ee xabbad-joojinta ahaa ee ku ekaa 72-ka saacadood, hase ahaatee waxaa weli jira rabshado ka dhacaya caasimadda dalka Sudan ee Khartoum iyo gobolka Darfur. Maraykanka ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xadgudubyada ka dhanka ah, heshiiska xabbad-joojinta. Boqolaal qof ayaa ku dhintay […]
Islaamiyiinta ka dagaalama Burkina Faso oo dilay 33 Askari.
OUAGADOUGOU, BURKINA FASO: -Ciidamada milateriga ee dalka Burkina Faso ayaa sheegay inay dhinteen ugu yaraan 33 askari, ka dib weerar ay geysteen koox loo malaynayo inay ka mid yihiin, kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama dalkaas. Weerar xooggan ayaa lala bartilmaameedsaday cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaas, oo ku sugnaa dhinaca bari. Dhaawaca askarta ayaa gaadhaya […]
Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay hay’ado sirdoon oo Ruush iyo Iran ah.
WASHINGTON: – Dawladda Maraykanka ayaa Khamiistii ku dhawaaqday cunaqabatayn cusub oo ay ku soo rogtay hay’adda sirdoonka ee Ruushka ee loo yaqaano FSB iyo garabka sirdoonka ee ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iran. Dawladda Maraykanka ayaa hay’adahan ku eedaysay inay si sharci-darro ah xabsi u dhigaan muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan dalalka debedda. “Hay’adahani ka […]
Shir-madaxeedkii dalalka ATMIS oo ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabateynta hubka.
Kampala:-Madaxda waddamada ciidamada usoo diray Soomaaliya ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu tixgeliyo in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka si waddanku uu awood ugu helo qaadista mas’uuliyaddiisa amni. Kadib kulan ay ku yeesheen caasimadda Uganda ee Kampala ayaa war murtiyeed ay soo saareen ay ku muujiyey in ka bixitaankii ciidamada ATMIS aan […]
Yaa Caawinaya Hooyo Somaliyeed oo Xanuunsanaysa
Ajar alle haku siiye Faafi oo Ka qayb qaado Tabarucaadka Gabadha Xanuunsan inta aad awoodo walaal. Zaad *880*063-7832308*lacagta# Golis sahal *883*063-7832308*lacagta# Hormuud *883*063-7832308*lacagta#
Macallin Pep Guardiola “Ma weyn karno diiradda, hadda wax waliba gacanta ayey noogu jiraan”
Pep Guardiola ayaa sheegay in kooxdiisa Manchester City ay caddeeyeen inay shaqayn karaan marka aysan jirin wax doorasho ah oo aan ka ahayn inay guuleystaan ka dib markii ay garaaceen Arsenal si ay gacanta ugu dhigaan tartanka loogu jiro hanashada horyaalka Premier League. Kooxda Guardiola ayaa 4-1 ku garaacday kooxda hogaanka haysa ee Arsenal kulan […]
Xaalad caafimaad oo la soo daristay madaxweyne Erdogan.
Ankara — Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa baajiyey isu soo baxyo olole doorasho, oo uu qaban lahaa Arbacadii iyo Khamiista maanta ah, sababo caafimaad dartood, toddobaadyo kahor doorashada madaxweyne iyo tan baarlamaan ee 14-ka May. “Maanta, waxaan ku nasan doona guriga anigoo qaadanaya talada dhaqaatiirteyda,” ayuu Erdogan Arbacadii kusoo qoray barta twitter-ka. “Haddii Allah […]
QM oo sheegtay in 55 qof ku dhinteen doon ku degtay xeebaha Liibiya.
Tripoli — Dooni ay saarnaayeen tobanaan tahriibayaal ah oo ku sii jeeday dalalka Yurub ayaa ku degtay xeebaha dalka Liibiya, waxaana wararku sheegayaan inay goobtaas ku qaraqmeen ugu yaraan 55 qof oo ay ku jiraan caruur iyo haween, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca socdaalka. Masiibadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee […]