1 min read

RW ku-xigeenka XFS oo xalay kormeer ku tagey xeryaha ay ku nool yihiin dadka danyarta ah.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xalay kormeer ku tagey xeryaha ay ku nool yihiin dadka danyarta ah ee ay saameynta ku yeesheen Roobabkii xoogganaa ee saacadihii la soo dhaafay ka da’ayey Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kormeerey qaar kamid ah xeryaha ay ku nool yihiin barakacayaasha ayaa faray Hey’adda Maareynta Musiibooyinka in si deg-deg ay ugu gurmadaan dadka u saameyey roobku, wuxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Mudane Saalax ayaa booqday qaar kamid ah Waraha biyo-qabadka Caasimadda oo xiligaas uu Maamulka Gobolka Banaadir ka wadey howllo biyo dhurid ah, waxuuna boggaadiyey doorkooda muhiimka ah.

Kormeerka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa ku wehelinayey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir aha Duqa Muqdisho iyo Taliyaha Ciidanka Booliska.