1 min read

Danjiraha Maraykanka oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha G/ Hiiraan.

Danjiraha Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa kulan fogaan-arag (Video Confernce) ah la qaatay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte iyo madax kale ee caan ka ah gobolka Hiiraan.

Danjiraha ayaa u gudbiyay taageerada Mareykanka ee howlgallada ka socda Hirshabeelle. Maraykanka ayaa ka mid ah saaxiibada sida dhow uga qeyb qaatay dagaaladii Alshabaab looga saaray Hirshabelle.

Kulanka oo ahaa mid fogaan-arag ah ayaa kusoo aaday xilli Dowladda Maraykanka ay qorsheynayso inay ka qeyb qaadato wajiga labaad ee howlgalka dib u xoraynta Hir Shabeelle, iyadoo gobolka Hiiraan uu ka mid yahay meelaha uu weli Shabaabku ku sugan yahay, gaar ahaan degaanada dhinaca galbeedka Hiiraan.

“Dagaalada cusub ee u dhexeeya beelaha wada dago gobolka Hiiraan ayaa ha dagaal ay wadaan kooxda al-Shabaab oo rabo in ay wiiqaan howl-galka wajiga labaad ee dagaalka al-Shabaab” ayuu yiri Danjire Larry
Danjire Larry André oo maalmaha soo socda xafiiska bannaynaya aya kulankan uu la qaatay guddoomi-yaha gobolka Hiiraan u muuqda mid sagootin ah, kadib mudo dhowr sano ah oo uu hogaminayay howlgalka Maraykanka ee Somalia.