1 min read

Sarkaal ka tirsan xisbiga talada haya ee Axmaarada oo toogasho lagu dilay.

Madaxii xisbiga Prosperity Party ee haya talada gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya ayaa toogasho lagu dilay,, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Girma Yeshitla ayaa ka soo laabtay safar rasmi ah markii weerar gaadmo ah lagu qaaday meel 250km waqooyi ka xigta caasimadda Addis Ababa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska isgaarsiinta ee gobolka.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa dilkan ku tilmaamay mid laga xumaado oo laga naxo, wuxuuna ku eedeeyay inay ka dambeeyaan kooxaha xagjirka ah oo aan la magacaabin, kuwaasoo uu sheegay inay doorteen inay hub ku xalliyaan khilaafkooda halkii ay wada hadal ku dhamayn lahaayeen.

Dilkan ayaa yimid todobaadyo kadib markii ay dowlada federaalku ku dhawaaqday in ay kala dirtay ciidamo gurmad ah kuwaas oo kacdoono iyo rabshado baahsan ka abuuray Axmaarada.

Mr Girma ayaa dhaleecayn xoogan kala kulmay dadka kasoo horjeeda kala dirista ciidamada, kuwaas oo u arkayay mid ka mid ah wajiyada ka dambeeya tallaabadan.

Dilka siyaasiyiinta sarsare maaha mid ku cusub Axmaarada. 2019-kii, hogaamiyihii gobolka iyo masuuliyiin kale oo sarsare ayaa la dilay iyadoo lagu tilmaamay isku daygii afgambi ee gobolka ee fashilmay.