1 min read

Waa yaabee Maxaan ku dooranay?

Waxaan maqlay

1. Tiktok shiinahaa soo saaray waana ka mamnuuc Dalkooda.

2. Daroogada Taabuu ee Badanaa dhalinyarada Somalidu isticmaasho, Hindiya ayaa soo saarto, waana ka mamnuuc Hindiya.

3. Filimada Sex-ka inta ugu badan yuhuudda ayaa soo saarto qaarkoodna waa ka mamnuuc Dalkooda.

4. Kenya waxa ay soo saartaa Laba Nuuc oo ah Sigaarka “Sportsman” ah, mid waxaa loogu talagalay Ganacsi, waxaa loo soo dhoofiyaa Somaliya, waana ka mamnuuc in Gudaha Kenya lagu iibiyo ( dhinaca dhaqaalaha danta laga leeyahay waan fahmi karaa ameey dano kale jiraan?) .

5. Caalaamka wadamada soo saaro Daawada, Qeyb ka mid ah Daawada ayaa shuruud leh.
a) Mid Gancsi ayeey ugu talageen.
b) Midna Dadkooda ayaa loogu tala galay.

Tan Dadkooda loogu talagalay, Dibadda looma diri karo. Dalka kaliya ee ogol in Daawada Dadkiisa uu ugu talgalay in uu ummadaha kalena siiyo waa Dalka Belgium-ka.
Turkiga ayaa soo Raaco oo qeyb ka mid ah tan uu Dadkiisa ugu talagalay Dibadda u doofiyo,wadamo gaar ah.
Wadama badan ayaa laga soo dhoofiyaa Daawo la been abuuray Hindiya iyo Masar ay ka mid yihiin,in kasta oo mid saxana laga soo dhoofi karo, waxa ay ku xiran tahay Ganacsadaha.

Laba Su’aal

A) Maxaan u isticmaalnaa wax Dalkii soo saarayba uu Dadkiisa ka mamnuucay?

  1. B) Somalidu maxey soo saartaa oo ka mamnuuc ah in Somaliya lagu isticmaalo oo Dibadda oo kaliya loo dhoofiyo?

Qore: Yahya Amir