3 mins read

Bajaaj A & B maxaa ka dhalan karo?

Danta Amni iyo Tan Siyaasadeed ee Dowladu ka leedahay ma ogi waxa ka dhalan karo.

Laakin Dhaqaala ahaan maxaa ka dhalan karo?

Ugu horeyn Dhibaatada Bajaajku ma ahan in tiro ahaan ay Magaalada ku badan yihiin Bajaajyadu ee waxa ay noqon kartaa in Waddoyinku ay ku yar yihiin Magaalada. Haddii wadooyinka xiran loo furi lahaa, kuwa kalena loo dayac tiri lahaa, waxaaba loo baahan lahaa Bajaaj intaan ka badan in la keeno Dalka.

Dakadaha Dalka oo dhan si isku mid ah loogama jooji karo soo dhoofinta Bajaajka, mar haddii Gudaha Dalka la keenana farsamooyin badan ayaa dhalan karo.

Dhibaatada kale ayaa ah: Ruqsadda Wadida Bajaajaka oo si fudud lagu heli karo iyada oo aan la fiirin Bad qabka dhimirka Wadaha.

Dakhliga kaa soo galo Bajaajka 15 Cisho, ma buuxi karaa booskii Dakhligii ku soo gali jiray 30 Cisho.
Waxaa jiro Qof lahaa Bajaaj Rukun-joogto ahaa 30ka Cisho oo u kireysnaa in uu caruurta isgoolka geeyo ama goobtaada shaqo, hadda waxaad u baahanee in aad la heshiiso laba bajaaj min 15 cisho. Waxaa kale oo jiro Dad bajaaj leh oo aan Rakaab ku qaadin oo iyagu ugu adeegto Goobtooda shaqo ma mid kale ayuu iibsanaa, illeyn Rakaaba ma qaadee.
15ka Cisho waxaa ku jiro Laba Jimco iyo Saddax maalin oo madaxda jidka loo xiro, waxaa soo harayo 10 Cisho oo shaqo buuxdo ah.

Dhaqaale ahaan maxaa ka dhalan karo?.

Wakhtiga Gaaban.

In loo qeeybiyo A & B ama Midabka loo bedelo waxaa faa’iido ku qabo cidda loo igmado Hoowshaan ama cidda Qandaraaska ku qabto, Cidaasi waxa ay helee Faa’iido dhaqaale oo ka soo galee shaqadaan.

Wakhtiga dhexe

Tan 1aad: A&B, Milkiilaha Bajaajka waxa ay ku noqonee kharaj cusub oo ay tahay in uu bixiyo, si uu Nambarka A ama B ku helo, si uu u bixiyana waa in uu ka jaraa dakhligiisa. Lacagtaa ka baxday waa in uu saaraa Rakaabka.

Tan 2aad: Haddii A&B laga dhigo Bajaajyada waxaa yaraanaa Tirada Bajaaj ee Magaalada ka shaqeyso, laakin tirada Dadkii Raaci jiray isma dhihimin. Taasi waxa ay keenee in “Demand” ay ka badato “Supply” oo ah in Dalabka Dadku uu ka Sareeyo inta Bajaaj ee u diyaarka ah in ay ka jawaabaan Dalabkaa ka badan, waxaana ka dhalanayo in Sicirka lagu raaco Bajaajku uu kor u kaco, haddii Dadku aynan yareen isticmaalka Bajaajka, Sicirku kor ayuu u sii soconayaa waxaana bixinayo Shacabka.

Wakhtiga dheer

Haddiise ay yaraato isticmaalka Bajaajka ee ka yimid dhinaca sicirka, waxaa la gaaraa in Bajaajku uu Bixi waayo Biilkii Bajaajlaha iyo Canshurta Dowladda, waxaana ku xigayo in Bajaajleey badani suuqa ka baxaan. Taa oo marka dambe keeni karto in ay Burburaan Qoysas badan oo Dakhligoodu ku tiirsanaa Bajaajka iyo in Dowladdu ay weeydo Dakhligii ka soo gali jiray Bajaajka.

Xal

Waxaa haboon in loo daayo Suuqa dheeli tirka “Equilibrium” ee ka dhasho D=S, arrintaa waxa kaliya ee sixi karo waa Awooda Jeebka Shacabka oo keeni karo Sicir meel dhaxaad ah oo lagu wada heshiiyo iyo Dowlada oo Gacan ka geeysato aragtidaa dhaqaale sidii ay ku hirgali lahayd.

FG: wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku Dar.

Qore: Yahya Amir